Page 1 PORTLAND PUBLIC SCHOOLS Qoondeynta Miisaaniyada ...

0 downloads 199 Views 129KB Size Report
axaa la rajeynayaa in maalgalintii Gobolka Oregon ee Iskuulada K-12 ay hoos u dhac u yimaado. VV waxaana loo baahan yaha
P O RTLAND P UBLIC SCHOOLS

W

Qoondeynta Miisaaniyada mustaqbalka ee Dugsiyada Dadweynaha Portland

axaa la rajeynayaa in maalgalintii Gobolka Oregon ee Iskuulada K-12 ay hoos u dhac u yimaado waxaana loo baahan yahay in in laga hortago in shaqaalaha la jaro. Golaha Dugsiyada Dadweynaha Portland waxa uu sameyn doonaa go’aano aad u adag todobaadada soo socda oo ku saabsan sidii loo qoodneyn lahaa lacagta iyadoo laga jarayo $20 malyuun maalgalintii guud. SIDA LOO QEYBIYEY MIISAANIYADA MAALGALINTA GOBOLKA DUGSIYADA DADWEYNAHA PORTLAND(PPS)

$7.7 bilyan Soo jeedinta hadda

$8.1 bilyan Miisaaniyada La Jarayo

$8.4 bilyan

Miisaaniyada Aan La Jarayn

$583.4 malyuun $616.3 malyuun 2016-17 Miisaaniayda la soo jeediyey, 2017-18

$636.3 malyuun Lama Jarayo, 2017-18

SADDEXDA(3) UGU MUDAN MAALGALINTA EE SANAD-DUGSIYEEDKA 2017-18 •





Sinaanshaha waxbarashada: Shaqaalaha iskuuladu waxa lagu sameyn dib u habeyn sida loogu qoondeynayo shaqaalaha.

Barashada iyo guusha: Ilaalinta barnaamijka aasaasiga ah; waxba aan laga bedeli oo halkiisa lagu hayo heerka shaqaalaha ee K-8; taageerida waxyaabaha ugu mudan iskuulada. Nabadgelyada iyo caafimaadka ardeyda: Kor u qaadista maalgalinta mashruucyada deegaanka , dibu hagaajinta dhismaha.

MAALGALINTA LA’AANTA GOBOLKA MACNAHEEDU WAXA WEEYE ISKUULADII PORTLAND OO LA JARAY Ilaa hadda, Xeer-dejiyaasha Oregon ma maalgalinayaan iskuulada K-12 heerkii miisaniyadeed ee ku filnaa si looga hortago in shaqaalaha la jaro. Tani waxa ay raad ku yeelaneysaa dugsiyada degmada oo dhan, oo Dugsiyada Dadweynaha Portland(PPS) uu ka mid yahay. Miisaaniyada uu soo jeediyey Guddoomiyaha Waxbarashada ee Ku-meel-gaarka ah Robert Mckean waxa ay ilaalineysaa iskuulada sida ugu suurtagalsan in aan la sameyn iyadoo shaqaalaha la dhimayo xarunta dhexe ee maamulka lacagtaasina loo leexinayo in la galiyo iskuulada. Si kastaba arrintu ha ahaatee, shaqaalaha iskuulada waxa ku dhici doonaa in la dhimi shaqaalahooda.

MIISAANIYADA LA JARAY = $20 MALYUUN • •

Shaqaalihii iskuulada Shaqaalihii maamulka, kuwii iskuulada aan ahayn



Qandaraaslayaasha, korontada/biyaha, agabkii

MAALGALINTA LA HIGSANAYO = $10+ MALYUUN • • •

Manhajka, qorista/akhriska iyo qiimeynta La shaqeynta bulshada Caafimaadka iyo nabadgelyada

• •

Sii wadista dhisida iskuulo cusub maalgalintii 2012 Shaqaalaha oo loo shaqaaleysiiyo sida ay u kala mudan yihiin

Dugsiyada Dadweynaha Portland waa loo shaqeeyo loo siman yahay